Muslimiinta laga tirada badan yahay

Wafdi ka socda Muslimiinta Australia oo booqday maktabadda Masjidka Nabiga

Al-Madinah Al-Munawwarah (INA) – Wefti ka socda Muslimiinta dalka Australia ayaa shalay booqday qaybta gaarka ah ee wax-ku-ururinta ee Maktabadda Nabiga, waxaana halkaas warbixin kooban ka jeediyay madaxa waaxdaasi Yaasir Al-Subxi oo ka warbixiyey waaxdan, aasaaskeeda. Qaybaheeda, waxyaabaha ay qabato, shaqooyinka ay qabato, iyo adeegyada ay siiso cilmi-baarayaasha iyo ardayda. Wafdiga ayaa warbixino ka dhageystay qeybta qoraalada asalka ah iyo kuwa Qur’aanka Kariimka ah ee qeybta ka ah, qaababka loo dayactiro qoraalada, sida looga nadiifiyo aaladaha gaaska ozone, hababka nadaafadda, daaweynta kiimikada iyo soo celinta iyo sidoo kale habka loo ilaaliyo. waxyaalahan loo haysto hab ku dayasho mudan. Weftigu waxa kale oo ay soo arkeen hoolka buugaagta naadirka ah ee qaybtaas oo ka kooban daabacaadyadii ugu da’da weynaa, iyadoo qaar ka mid ah buugaagtaasi la daabacay laga soo bilaabo 230 sano ka hor, iyada oo uu bilaabmay qarnigii saddex iyo tobnaad ee Hijriyada. Gebogebadii kormeerka ayaa weftigu waxay muujiyeen mahadnaq iyo bogaadin ay u hayaan waaxda iyo waxqabadkeeda, shaqada iyo adeegyada ay u hayaan dhammaan sanadka oo dhan. (Dhammaadka) Zaa / HBS

Wararka la xiriira

Tag badhanka sare