Muslimiinta laga tirada badan yahay

Booliiska Thailand ayaa ugaarsanaya qof looga shakisan yahay dilka Rohingya

Arakan (INA)- Wargeyska Bangkok Post ee ka soo baxa Thailand, ayaa shaaca ka qaaday in boolisku ay baacsanayaan nin looga shakisan yahay inuu hubaysnaa oo laga yaabo inuu horseedo mas’uuliyiinta ugu muhiimsan xerooyinka lagu laayay Muslimiinta Rohingya ee ku nool magaalada Songkhla ee dalka Thailand. Wargeysku waxa uu soo xigtay taliye ku xigeenka booliiska magaalada Shakthep Shaigenda Arbacadii in booliisku ay ku raadjoogaan nin dil ah oo lagu magacaabo Sopoj Monsiu, kaas oo la rumaysan yahay in uu ku dhuumaalaysanayo magaalada. Booliska ayaa ku eedeeyay Sopoj inuu dilay tiro ka mid ah Muslimiinta Rohinga, isagoo sheegay in laga yaabo in xarigiisa uu horseedo tuhun weyn oo laga qabo magaalada Satun iyo sidoo kale shabakad dadka tahriibisa oo ka dambeysay socdaalka sharci darrada ah ee Rohingya. Wargeyska oo soo xiganaya taliye ku xigeenka booliska Malaysia ayaa sheegay in arrinta Rohingya uu kala hadli doono madaxda sare ee booliska Malaysia kulan ay saraakiisha booliska labada dal ku yeelanayaan magaalada Phuket intii u dhaxaysay 11-14 May. Wargeysku wuxuu sheegay in Thailand ay u taagan tahay isku xirka wadada bartamaheeda ah ee sida sharci darada ah looga tahriibiyo Rohingya ee Myanmar ilaa Malaysia. (Dhammaadka) galabnimo / h.p

Wararka la xiriira

Tag badhanka sare