Jeddah (UNA) – Maanta oo Sabti ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 11-ka Agoosto, Jamhuuriyadda Chad waxa ay u dabbaal-degtay sannad-guuradii konton iyo siddeedaad ee ka soo wareegtay markii ay xorriyaddeeda qaadatay, taasoo ay qaadatay sannadkii 1960-kii. Dalka Chad waxaa lagu tiriyaa in uu yahay wadan isku xira wadamada Islaamka ee ku yaala Waqooyiga Afrika, Eeshiya, iyo wadamada Koonfurta iyo Galbeedka Afrika. Meesha istaraatiijiyadeed ee u dhaxaysa wadamada Carabta iyo Afrika ayaa ka dhigaysa goob ay ku kulmaan ilbaxnimo badan oo Islaami ah iyo Afrikaan ah. Dalka Chad waxa uu ku yaalaa badhtamaha qaaradda Afrika, dhinaca waqooyi waxa xad la wadaaga Liibiya, bari waxa ka xiga Suudaan, koonfurta Jamhuuriyadda Afrikada dhexe, koonfur-galbeed ee Cameroon iyo Nigeria, galbeedna Niger. Waa dalka shanaad ee ugu baaxadda weyn qaaradda Afrika, bedkiisuna waa 1.284.000 oo kilomitir oo laba jibbaaran, waxaana ku nool qiyaastii 14 milyan oo qof, oo ka kala tirsan qowmiyadaha kala duwan, boqolkiiba 70 dadku waxay qaataan diinta Islaamka. Caasimada Chad waa N'Djamena, luqadaha rasmiga ah waa Carabi iyo Faransiis. Marka laga reebo qaar ka mid ah buuraha sare ee ku yaal duleedkeeda, Chad waxaa loo arkaa barkad weyn oo ay ku badan yihiin saxare kuwaas oo ay isaga gudbaan qaar ka mid ah webiyada iyo harooyinka xilliyada qaarkood, oo ay ugu weyn tahay harada Chad ee xiran. Dalka Chad waxa uu caan ku yahay xoolo hodan ah oo gaaraya malaayiin neef oo isugu jira Ari, Lo’ iyo Geel. Waxa kale oo ay leedahay dhul barwaaqo ah oo laga beerto noocyada dalagyada qaarkood, inkastoo ay ku tiirsan yihiin roobabka xilliyeed, sida suufka, xabkaha carabiga, sarreenka, iyo sonkorta. Koonfurta, kaymo geedo dhaadheer leh ayaa ku faafay. Dalka Chad waxa uu leeyahay qaar ka mid ah kheyraadka macdanta, sida saliidda, oo la bilaabay in la dhoofiyo sannadkii 2003-dii, waxaana ku jira kayd aad u badan oo isugu jira dahab, bir, uranium, zinc iyo marmar. (Dhammaadka) pg/h p
hal daqiiqo



