Xajka iyo Cumrada

Shirkadda Boosta ee Sucuudiga ayaa soo saartay shaambada xuska xajka ee sanadkan

Mina (INA) – Shirkadda Boostada ee dalka Sucuudiga ayaa soo saartay shaambad lagu xusayo xajka sanadkan 1437 ee Hijriyada, ciwaankeeduna waa xajku waa baaq nabadeed, waxaana ay xambaarsan tahay hal-ku-dheg la mid ah kii ay guddiga dhexe ee xajka ku bilaabeen wacyigelinta xujeyda sanadkan. Shaabaddan cusub ayaa waxaa ka muuqday sawirro muujinaya cibaadada Xajka, Masjidka Xaramka, iyo Masjidka Nabiga, waxaana shaabada lagu xardhay afar sawir oo muujinaya marxalad muhiim ah oo lagu ballaarinayo Masjidka barakeysan ee Maka, iyo waxa ay dowladda mas’uul ka tahay labada Xaramka. Masaajida waxa ay qabanayaan u adeegida martida Raxmaan, iyo in ay si fudud u gutaan cibaadadooda. Ku-simaha Guddoomiyaha Hay’adda Boostada Sacuudiga, Dr. Osama bin Muhammad Salih al-Taf, ayaa ku sheegay bayaan uu soo saaray Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA, in Shirkaddu ay uga golleedahay, soo saarista tiimbadaha xuska, si loo diiwaan geliyo, loona muujiyo guulihii uu Qaranka gaaray iyo dadaallada, dhacdooyinka taariikhiga ah iyo munaasabadaha muhiimka ah, iyagoo ku tilmaamay tiimbadaha inay yihiin hab isgaarsiineed oo la gaarsiiyo dalalka iyo dadyowga kala duwan ee adduunka, taasoo siisa fidin ballaaran, isla markaana horseedda farriin taariikhi ah oo ay gudbiyaan shucuubta iyo xadaaradaha. (Dhammaadka) h p

Wararka la xiriira

Tag badhanka sare