Ururka Iskaashiga Islaamka

ISESCO waxay cambaaraynaysaa duqeynta loo geystay dad rayid ah oo ku sugnaa Douma

Rabat (UNA)- ISESCO ayaa si kulul u cambaareysay duqeymo ay ciidamada Nidaamka Suuriya ka geysteen magaalada Douma ee bariga Dimishiq, shalay oo Sabti ahayd, iyadoo loo adeegsaday hubka kiimikada ah, kaasoo sababay dhimashada tobaneeyo qof oo isugu jira carruur, haween iyo rag. ISESCO waxay tiri: Waxa uu sameeyay maamulka Suuriya waa dambi dagaal iyo dembi ka dhan ah bini’aadantinimada oo ay tahay in la cambaareeyo, shacabka Suuriyana laga ilaaliyo dambiyada foosha xun ee ka dhanka ah. (Dhammaadka) pg/h p

Wararka la xiriira

Tag badhanka sare