Dhaqaalaha

Khabiir caalami ah: Mustaqbalka tamarta dib loo cusboonaysiin karo ee Turkiga waa mid aad u ifaysa

Ankara (INA) – Adnan Amin, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Tamarta La Cusboonaysiiyo ee Caalamiga ah, ayaa tillaabooyinka dawladda Turkiga ee dhanka tamarta dib loo cusboonaysiin karo ku tilmaamay kuwo dhiirri-gelinaya, isla markaana mustaqbalka qaybtan waddanku u muuqdo mid aad u ifaya. Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Anatolia, Amin waxa uu tilmaamay in maalgashiga tamarta dib loo cusboonaysiin karo ee adduunku aanu saamayn taban ku yeelan doonin qiimaha saliidda, kaas oo ay marqaati ka tahay kor u kaca heerkii u dambeeyay marka loo eego kii hore. Waxa uu sharaxay in saliidda aan si weyn loo isticmaalin wax soo saarka korontada marka loo eego sidii hore, isagoo carabka ku adkeeyay in qaybtan ay hadda door bidayso tamarta la cusboonaysiin karo iyo nukliyeerka marka lagu daro gaaska dabiiciga ah iyo dhuxusha. Amin waxa uu filayey in muhiimada saliiddu ay hoos u sii dhacayso qaybta korantada inta lagu jiro marxaladda soo socota, iyada oo ay weheliso korodhka horumarinta kaydinta korantada iyo qalabka korontada. Waxa uu sheegay in Turkiga uu awooday in uu sameeyo hannaan adag oo sharci iyo mid siyaasadeed oo dhanka tamarta la cusboonaysiin karo, maantana uu ka mid yahay dalalka hormuudka ka ah maalgashiga aan helin taageero dhaqaale. Wuxuu intaas ku daray: Turkiga waa dal qani ah marka loo eego kheyraadka tamarta dib loo cusboonaysiin karo, dowladda Turkigana waxay qaaday tillaabooyin dhiirigelin leh oo lagu horumarinayo qaybta, taas oo aan u arko inay tahay mustaqbal aad u ifaya Turkiga. Dhamaadkii sannadkii hore, warbixin ay soo saartay Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah, ee xiriirka la leh Kooxda Bangiga Adduunka, ayaa lagu sheegay in Turkiga uu awood u yeelan doono inuu soo jiito ilaa 28 bilyan oo doolar oo lagu maal-galiyo tamarta la cusboonaysiin karo marka la gaaro 2020. ((Dhammaadka)).

Wararka la xiriira

Tag badhanka sare