Dhaqanka iyo fanka

Jabuuti ayaa martigelin doonta shirka saddexaad ee aqoonyahannada Bariga Afrika Isniinta soo socota

Jabuuti (INA) – Laga bilaabo Isniinta soo socota waxaa dalka Jabuuti ka furmaya shirkii saddexaad ee aqoonyahannada Bariga Afrika, iyadoo halkudhigiisu yahay horumarinta midnimada iyo wada noolaanshaha shucuubta gobolka. Sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Islaamka, Dhaqanka iyo Awqaafta, ilaa 250 culimo ah oo ay ku jiraan Culimaa’udiin ka kala socda Bariga Afrika, iyo Sacuudiga iyo Yemen ayaa ka qeyb galaya shirkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah. Madashan oo uu garwadeen ka yahay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu lafo-guri doonaa doorka Imaamu Shaafici ee tayeynta culuumta shareecada Islaamka. , kaas oo la isku daray kartida, kheyraadka iyo tamarta si loo dhiso nidaam gobol oo gacan ka geysta in la gaaro horumar la taaban karo oo waara, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Diinta Islaamka Dhaqanka iyo Awqaafta. Waxaa xusid mudan in shirkii labaad ee culimada Bariga Afrika bishii May ee sanadkii hore lagu qabtay dalka Jabuuti, waxaana ka soo qeyb galayaasha ay ka doodeen xagjirnimada diinta iyo hababka looga hortagi karo. (Dhamayd) Maxamed Cabdullaahi / H p

Wararka la xiriira

Tag badhanka sare