Falastiin

Cabbaas ayaa kala hadlay madaxweynaha Pakistaan ​​horumarada ku aadan qadiyada Falastiin

Islamabad (INA)- Madaxweynaha dawladda Falestine Maxamuud Cabbaas ayaa maanta 31 January 2017 magaalada Islamabad ee caasimadda dalka Pakistan kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Mamnoon Hussain. Intii lagu guda jiray kalfadhiga wadahadalka labada dhinac, Madaxweyne Cabbaas wuxuu dhiggiisa Pakistan uga warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee qadiyadda falastiin, iyo xaaladaha adag ee dadka reer Falastiin ay ku nool yihiin gumeysiga Israel iyo dhaqamada arxan darada ah. Cabbaas waxa uu dib u eegis ku sameeyay saamaynta xun ee hawlaha dejinta iyo dhul-qabsiga, iyo sidoo kale horumarradii ugu dambeeyay iyo dadaalladii heer gobol iyo heer caalamiba si dib loogu bilaabo geeddi-socod nabadeed oo miro-dhal ah. Kulanka labada dhinac ka dib waxaa la guda galay kalfadhi kale oo la balaariyay oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan Falastiin iyo Pakistaan, waxaana looga hadlay xiriirka labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa. Madaxweynaha Falastiin ayaa shalay oo Isniin ahayd booqasho rasmi ah oo saddex maalmood ah ku tagay Pakistan, wuxuuna goor sii horeysay oo maanta ah la kulmay Ra’iisal Wasaaraha Pakistan Nawaz Sharif, wuxuuna xariga ka jaray Safaaradda Dowladda Falastiin ee Pakistan. (Dhammaadka) Khaled Al-Khalidi / G.A

Wararka la xiriira

Tag badhanka sare