Dhaqaalaha

Madaxweynaha Senegal oo dhaliilay qandaraasyada biraha ee Afrika

Dakar (INA)- Madaxweynaha Senegal, Macky Sall, ayaa dhaleeceeyay maanta, intii lagu guda jiray golaha madaxtooyada ee maalgashiga, waxa uu ugu yeedhay qodobbada qandaraasyada macdanta ee dalalka Afrika. Macky Sall waxa uu u qaatay in boqolleyda ay u qoondeeyaan shirkadaha ka faa’iidaysta macdanta Afrika aanay waxba tarayn, sababtoo ah ma dhaafaan 2% ilaa 3%. Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in xaaladan ay nagu abuuri doonto cadaawad na dhexmarta annaga iyo shacabkayaga, sababtoo ah waxay odhanayaan dahab iyo shidaal ayaanu haysanaa, wax dakhli ah oo naga soo galana ma jirto marka laga reebo fursado shaqo. ((waan dhameeyay))

Wararka la xiriira

Tag badhanka sare