Dhaqanka iyo fanka

U tahriibinta 2500 oo qoraal-gacmeedyo Yemeni ah oo loo tahriibinayo Israa'iil

Sanca (INA)- Xarunta Heritage ee daraasaadka iyo cilmi baarista ee magaalada Taiz ee dalka Yemen ayaa shaaca ka qaaday in 2500 oo qoraal gacmeedyo naaddir ah oo Yemeni ah loo tahriibiyay Israa’iil, laga soo bilaabo Kacaankii Sebtembar ilaa maanta. Agaasimaha xarunta, Sucaad Al-Absi, ayaa war-saxaafadeed ay maanta soo saartay ku sheegtay in dalaal, kooxo iyo unugyo ku takhasusay tahriibinta agabka qadiimiga ah ay u dhoofiyeen qoraalladan dalka Turkiga, ka hor inta aanay wakhti dambe u gudbin Israa’iil. Al-Absi waxa uu tilmaamay in qoraalladani ay soo jireen waqtiyo kala duwan, oo ay ugu horreeyaan xilligii Islaamka ka hor, iyo xilligii dawladdii Rasuuleed ee Yemen. Dhinaca kale, Al-cabsi waxa uu cambaareeyey aamusnaanta madaxda rasmiga ah ee ifafaalaha tahriibinta waxyaabaha qadiimiga ah ee lagu burburinayo dhaxalka qaranka Yemen, isagoo dhanka kale ugu baaqay xukuumadda inay qaado tillaabo iyo habraac lagu xaddidayo dhacdadan. (Dhamayd) Muhammad Al-Ghaithi

Wararka la xiriira

Tag badhanka sare