Saynisyahanka

Madaxweynaha Jabuuti oo qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socda Itoobiya

Djibouti (UNA) – Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta oo Isniin ah Qasriga Jamhuuriyadda Jabuuti ku qaabilay wefti heer sare ah oo ka socda dawladda Itoobiya oo ay hoggaaminayso Wasiirka Gaadiidka Dagmawit Moges. Kulankan dhex maray madaxweyne Geelle iyo wafdiga Itoobiya ayaa ku soo aadaya qaab isdhaafsi joogto ah oo dhex mara mas’uuliyiinta labada dal, kaasoo tusaale u ah isdhexgalka dhaqaale ee heerka qaaradda Afrika. Kulanka ayaa looga hadlay halka ay marayaan mashaariicda dhaqaale ee labada dal ay ansixiyeen, iyadoo ay dheertahay iskaashiga istiraatijiyadeed ee ay labada dhinac kala saxiixdeen dhinacyo badan oo waaweyn. (waan dhameeyay)

Wararka la xiriira

Tag badhanka sare