Saynisyahanka

Ugu yaraan 19 qof ayaa ku dhimatay labo weerar oo ismiidaamin ah oo ka dhacay suuq ku yaalla dalka Cameroon

Yaoundé (INA) – 19 qof ayaa lagu dilay Jimcihii laba weerar oo ismiidaamin ah oo ka dhacay suuq ku yaal magaalo ku taal waqooyiga fog ee Cameroon, goob ay inta badan weerarto kooxda argagixisada ah ee Boko Haram, sida laga soo xigtay ilo ka tirsan maamulka maxalliga ah. Wakaalladda Wararka Faransiiska ee Press Agency oo soo xiganeysa ilo-wareedyadan ayaa sheegtay in Labo Dumar ah ay Sagaalkii Subaxnimo ku Qarxiyeen Walxaha Qarxa ee ay wateen Suuqa Miimi, halkaasi oo ay ku dileen 19-qof, tiro kalena ay ku dhaawacmeen. Waa weerarkii lixaad ee ismiidaaminta ah tan iyo bilowgii sanadkan 2016-ka ee waqooyiga fog, oo ah xuduudda ay Boko Haram ku xoogan tahay Nigeria. In ka badan 1200 oo qof ayaa la dilay tan iyo markii dhaqdhaqaaqa, oo ku dhawaaqay inay daacad u yihiin ISIS, ay bilaabeen weeraro dhulka Cameroon 2013, sida ay sheegtay dowladda Cameroon. Weerarada ismiidaaminta ah ayaa waxaa kusoo badanaya gabdhaha ama haweenka, waxaana inta badan lala beegsadaa suuqyada ugu mashquulka badan Afrika. Tan iyo dabayaaqadii bishii November, ciidamada Cameroon waxa ay hawlgalo ka wadeen magaalooyin badan oo xuduuda ku yaala, taasi oo si weyn u wiiqday argagixisada, balse tan iyo bishii July waxa ay bateen weerarada ismiidaaminta ah ee ka dhaca waqooyiga Cameroon iyo sidoo kale waqooyi bari Nigeria. (Dhammaadka) p.m. / p.c

Wararka la xiriira

Tag badhanka sare