Ururka Iskaashiga Islaamka

Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka oo qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Jeddah (UNA) – Mudane Hussein Ibrahim Taha, Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), ayaa maanta 20-April-2025, ku qaabilay Xarunta Xoghaynta Guud, Mr. Carlo Balducci, Safiirka Talyaaniga ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, oo ay wehelinayeen Mr. Leonardo Costa, Qunsulka Guud ee Talyaaniga u fadhiya Jeddah iyo Ergeyga Gaarka ah ee Ururka OIC.

Labada dhinac ayaa soo dhaweeyay heerka uu marayo xiriirka ka dhaxeeya Ururka Iskaashiga Islaamka iyo Talyaaniga, waxaana ay ka wadahadleen sidii kor loogu qaadi lahaa wada-hadallada iyo iskaashiga.

Waxa kale oo ay is dhaafsadeen aragtiyo la xidhiidha arrimaha caalamiga ah ee danta guud.

(waa dhamaatay)

Wararka la xiriira

Tag badhanka sare