Jeddah (UNA) – Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan sinnaanta Jinsiga iyo Awood-siinta Haweenka (UN Women) ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay horumarinta xuquuqda haweenka iyo sinnaanta jinsiga iyagoo saxiixay heshiis cusub oo is-afgarad ah. Xafladda ayaa lagu qabtay iyada oo barbar socota kalfadhiga 69-aad ee Guddiga Xaaladda Haweenka ee Xarunta Qaramada Midoobay ee New York.
Kormeeraha joogtada ah ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee Qaramada Midoobay, Danjire Hameed Obeloyero, ayaa u saxeexay heshiiska Isfahamka ee Hay’adda, halka Agaasimaha Fulinta ee Haweenka Qaramada Midoobay, Marwo Dr. Sima Bahous ay wakiil ka ahayd ururkeeda.
Danjire Obeloyero ayaa khudbadiisa ku nuux nuuxsaday muhiimadda ay leedahay in dib loo soo cusboonaado wadashaqeynta labada hay’adood. Waxa uu intaasi ku daray “Munaasabada maanta waxa ay ka dhigan tahay guul kale oo laga gaaray iskaashiga hay’adaha ee ka dhexeeya Ururka Iskaashiga Islaamka iyo Haweenka Qaramada Midoobay, waxa ay daliil cad u tahay sida ay uga go’an tahay in aan kor u qaadno xaquuqda haweenka iyo wanaaggooda, iyadoo la raacayo himilooyinka labada urur”. Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay hindiseyaashii ugu dambeeyay ee OIC, oo ay ka mid yihiin aasaaska ururka horumarinta haweenka ee fadhigiisu yahay Qaahira iyo qabsoomida shirweynaha caalamiga ah ee haweenka Islaamka oo lagu qabtay Jeddah sanadka 2023. Dadaaladan ayaa ka tarjumaya sida ay uga go’an tahay OIC ee horumarinta ka qaybgalka dhaqaalaha haweenka, hoggaaminta, iyo ilaalinta caqabadaha ku salaysan jinsiga.
Agaasimaha fulinta haweenka ee Qaramada Midoobay Dr. Sima Bahous ayaa soo dhaweysay heshiiska isfahamka oo ah tallaabo muhim ah oo loo qaaday xaqiijinta horumar waara oo lagu xoojinayo haweenka iyo ka qaybgalka buuxa ee dhammaan dhinacyada bulshada adduunka oo dhan. Waxay intaas ku dartay, "Iskaashiga ka dhexeeya Haweenka Qaramada Midoobay iyo Ururka Iskaashiga Islaamka wuxuu ku dhisan yahay aragti wadaag ah oo lagu xoojinayo haweenka dhammaan dhinacyada nolosha, heshiiskan dib loo cusbooneysiiyay wuxuu siinayaa qaab adag oo loogu talagalay dadaallada istaraatiijiyadeed ee keenaya isbeddel la taaban karo, gaar ahaan dhinacyada awood-siinta dhaqaalaha, fursadaha hoggaaminta, iyo ilaalinta xuquuqda haweenka gudaha iyo dibedda ee dalalka xubnaha ka ah OIC." Waxay kaloo bogaadisay dadaallada OIC ee lagu horumarinayo maqaamka haweenka ee dunida Islaamka waxayna xaqiijisey sida ay uga go'an tahay haweenka Qaramada Midoobay inay ku taageeraan dadaalladaas khibrad, agab iyo ololeyaal u doodid.
Saxiixa Heshiiska Isfahamka waxa uu ka dhigan yahay sii wadida wada shaqaynta guulaysata ee bilaabatay 2017. Heshiiskii hore, oo dhamaaday 2020, waxa uu dhidibbada u taagay dhawr hindise oo saamayn leh. Iskaashigan dib loo soo cusboonaysiiyay waxa uu ku dhisan yahay guulihii hore ee la gaaray, waxa uuna u gogol xaarayaa in la sii wada shaqeeyo dhinacyada sida u doodista siyaasadda, kobcinta awooda, iyo cilmi baarista wadajirka ah ee xoojinta haweenka.
Labada urur waxay muujiyeen kalsoonidooda in heshiiska is-afgaradku uu kor u qaadi doono awooddooda wax looga qabanayo caqabadaha hortaagan haweenka adduunka iyadoo la ixtiraamayo qiyamka dhaqanka iyo diinta. Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa weli ka go'an inuu ka faa'iidaysto qaab-dhismeedkiisa hay'adeed si uu u taageero sinnaanta jinsiga si waafaqsan qiyamka Islaamka, halka Haweenka Qaramada Midoobay ay sii wadaan inay taageeraan siyaasadaha kor u qaadaya horumarka dhamaystiran oo waara ee haweenka meel kasta.
(waa dhamaatay)