
Jeddah (UNA) – Caalamka Islaamka ayaa sanad walba u dabaaldagaya maalinta 15-aad ee bisha Ramadaan oo ah maalinta agoonta ee Caalamka Islaamka, waxaana maalintan loo asteeyay sida ku cad go’aankii ay gaareen Golaha Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Dowladaha xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka oo lagu qabtay magaalada Conakry ee dalka Jamhuuriyadda Guinea, bishii December ee sanadkii 2013-kii.
Munaasabadan ayaa waxaa ka hadlay Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka Mudane Xuseen Ibraahim Taha oo sheegay in ay muhiim tahay in la sii wado dadaallada lagu taageerayo daryeelka guud iyo daryeelka agoonta, wuxuuna ku baaqay in la xoojiyo dadaallada lagu badbaadinayo dadkaasi, gaar ahaan xilliyada ay masiibooyinka ka dhacaan, goobaha ay colaaduhu ka jiraan, iyo goobaha ay saameeyeen isbadelka cimiladu, halkaasoo barakaca iyo qalalaasaha qaxoontigu ay sababeen in carruur badan ay la soo gudboonaato xaalad adag.
Xoghayaha guud ayaa carabka ku adkeeyay in OIC ay sii wadi doonto go’aankeeda ku aadan garab istaaga malaayiinka agoonta ah iyo caruurta ay ku jiraan xaaladaha adag iyagoo difaacaya xuquuqdooda iyo bixinta nidaamka ugu wanaagsan ee taageerada, sida xarumaha agoomaha, xoojinta nidaamka daryeelka, iyo hirgelinta adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada.
Diinta Islaamku iyadoo u adeegsanaysa Qur’aanka kariimka ah iyo Sunnada, waxay si xooggan ugu nuux-nuuxsatay muhiimadda ay leedahay in agoonta loola dhaqmo si naxariis leh, isla markaana loo hubiyo daryeelkooda, waxbarashadooda, daryeelkooda caafimaad, daryeelkooda bulsho, ilaalinta xuquuqdooda iyo barbaarinta ku habboon.
(waa dhamaatay)