
ISLAMABAD (UNA) – Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka, Xuseen Ibraahim Taha, ayaa ka hadlay furitaanka shirka caalamiga ah ee “Waxbarashada Gabdhaha ee Bulshooyinka Muslimiinta: Caqabadaha iyo Fursadaha” ee ka socda caasimadda Pakistan ee Islamabad. Shirkan ayaa waxaa si wada jir ah u soo qaban qaabiyay Dowladda Pakistan iyo Ururka Muslimiinta Adduunka. Wasiiro badan oo waxbarasho oo ka kala socda wadamada OIC, aqoonyahano, sharciyaqaano, macalimiin, iyo Malala Yousafzai oo ku guulaysatay Nobel Prize ayaa ka qayb galay shirka.
Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa ku nuux nuuxsaday in haweenka wax bartay ay hanti u yihiin bulshooyinka Islaamka, isla markaana ay kaalintooda ka qaadan karaan dadaallada horumarineed. Waxa uu carabka ku adkeeyay in go’aamadii ka soo baxay hay’adda ay ka soo saareen heerar shir madaxeedka iyo sidoo kale shirarkii wasiirrada ay si wadajir ah oo aan leexleexad lahayn u xoojiyay muhiimadda ay leedahay waxbarashada gabdhuhu oo ay mudnaan gaar ah siiyeen dejinta siyaasad waara iyo in loo qoondeeyo dhaqaale ku filan. Sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay in Qur’aanka Kariimka ah iyo tafsiirkii Rasuulka CSW ay si cad ugu hanuuninayaan Muslimiinta muhiimadda ay leedahay in Gabdhaha wax la baro, isagoo carabka ku adkeeyay in Diinta Islaamku aysan ku talagalin in ay kala saarto ragga iyo dumarka. xagga raadinta aqoonta.
Sidoo kale waxaa furitaankii kulanka ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, Xoghayaha Guud ee Ururka Midowga Muslimiinta Adduunka iyo Wasiirka Waxbarashada Pakistan. Waxay ku booriyeen dowladaha inay waxbarshada gabdhaha mudnaanta siiyaan siyaasadahooda iyo qoondada dhaqaale. Waxa kale oo ay u mahadceliyeen Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ka qaybgalka shirka.
Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee QM waxa uu kulamo la qaatay Ra’iisul Wasaaraha, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka/Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wasiirka Waxbarashada Pakistan. Waxa kale oo uu wadahadalo la yeeshay Xoghayaha Guud ee Ururka Midowga Muslimiinta Adduunka.
(waa dhamaatay)