Tuniisiya (UNA) – Ka dib markii uu martiqaad ka helay Guddoomiyaha Golaha Sare ee Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Jamhuuriyadda Tunisia, Xoghaynta Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa u dirtay wafdi goobjoogayaal ah si ay u soo kormeeraan doorashada madaxtinimada ee Jamhuuriyadda Tunisia dhacay Oktoobar 6, 2024.
Kooxda ururka ayaa kormeero ay ugu kuur galayeen qaabka ay doorashadu u dhacayso waxa ay ka sameeyeen xarumo badan oo ku yaala caasimadda Tunis iyo magaalooyin kale.
Waxa uu kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddida Sare ee Doorashooyinka iyo Xubnaha Guddida Sare, waxana uu ka dhegaystay warbixin ku saabsan qabanqaabada iyo hab-socodkii hawlaha doorashadu u qabsoontay iyo tallaabooyinka la qaaday si ay ugu guulaystaan.
Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka, Mudane Xuseen Ibraahim Taha, ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Tuniisiya sida wanaagsan ee ay u soo agaasimeen doorashada madaxtinimada.
(waa dhamaatay)