Ururka Iskaashiga Islaamka

Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka oo Kazakhstan uga tacsiyeeyay dadkii ku dhintay dabkii ka kacay keymaha Abay

Jiddah (UNA) – Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka, Xuseen Ibraahim Taha, ayaa dawladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Kazakhstan uga tacsiyeeyay dadkii ku dhintay dabkii baaxadda lahaa ee ka dhacay keymaha gobolka Abay. 14 qof oo ka mid ahaa dadkii ka shaqaynayey kaymaha ayaa ku dhintay, qaar kalena way ku dhaawacmeen.
Xoghayaha ayaa tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay qaraxaasi, isagoo u rajeeyay caafimaad deg deg ah dadkii ku dhaawacmay.

(waa dhamaatay)

Wararka la xiriira

Tag badhanka sare