
Khan Younis (UNA/WAFA) – Laba muwaadin ayaa ku dhintay 10 kalena way ku dhaawacmeen Arbacadii duqeyn ay Israa’iil ka geysatay aagga Khan Younis ee koonfurta Marinka Gaza.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in ciidamada gumeysiga ay duqeeyeen teendhooyin ay ku hoydeen dad barakacayaal ah oo ku sugnaa Mawasi Khan Yunis, taasoo keentay dhimashada laba muwaadin, oo mid ka mid ah uu ahaa kalkaaliye caafimaad, iyo dhaawaca 10 kale oo dhaawacyo kala duwan qaba.
Tani waxay tirada shahiidiinta maanta ku dhintay Marinka Gaza ka dhigaysaa 20.
(waa dhamaatay)



