
Ankara (UNA/Anadolu) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dalkiisu sii wadi doono dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xaqiijinayo nabadda iyo ammaanka Suudaan.
Tani waxay ku timid hadal uu u jeediyay saxafiyiinta, xilli uu ka soo laabtay Jamhuuriyadda Asarbayjan, fiidnimadii Sabtida.
Erdogan ayaa intaas ku daray: "Waan sii wadi doonnaa dadaalladayada diblomaasiyadeed ee lagu xaqiijinayo nabadda iyo ammaanka Suudaan, si fududna uma istaagi karno oo ma daawan karno waxa halkaas ka dhacaya."
Tan iyo bishii Abriil 2023, Suudaan waxaa ka socday dagaal dhiig badan ku daatay oo u dhaxeeyay ciidamada iyo xoogaga taageerada degdega ah, kaasoo sababay dhimashada tobanaan kun iyo barakaca ilaa 13 milyan oo qof.
(waa dhamaatay)



