
New York (UNA/WAM)- Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa doortay 14 waddan oo Golaha Xuquuqul Insaanka ka mid noqon doona muddo saddex sano ah, laga bilaabo horraanta sannadka soo socda, intii lagu guda jiray fadhi loo dhan yahay oo ka dhacay xaruntiisa magaalada New York Talaadadii.
Afarta kursi ee loo qoondeeyay Group-ka Afrika waxaa ku guulaystay Angola oo heshay 179 cod, Masar ayaa heshay 173 cod, Mauritius ayaa heshay 181 cod, halka Koonfur Afrika ay heshay 178 cod.
Dhanka kooxda Asia-Pacific, afartii kursi ee loo qoondeeyay waxaa ku guuleystay India oo heshay 177 cod, Ciraaq oo heshay 175 cod, Pakistan 178 cod, iyo Vietnam 180 cod.
Labada kursi ee loo qoondeeyay dalalka Latin America iyo Caribbean-ka ayaa waxaa ku guuleystay Chile oo heshay 173 cod, halka Ecuador ay heshay 171 cod.
Halka labada kursi ee loo qoondeeyay dalalka Galbeedka Yurub iyo Wadamada kale ay ku guulaysteen Talyaaniga oo helay 179 cod, iyo UK oo helay 161 cod.
Labada kursi ee loo qoondeeyay dalalka Bartamaha iyo Bariga Yurub ayaa waxaa ku guuleystay Estonia oo heshay 171 cod iyo Slovenia oo heshay 176 cod.
Golaha Xuquuqul Insaanka ayaa mas'uul ka ah ka doodista dhammaan arrimaha xuquuqul insaanka sanadka oo dhan, waxayna kulammadooda ku qabtaan xafiiska Qaramada Midoobay ee Geneva.
Golaha Xuquuqul Insaanka waxa uu ka kooban yahay 47 kursi, kuwaas oo ay buuxiyaan Dawladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay iyada oo loo marayo doorashooyinka diwaangashan ee Golaha Guud ee New York, sida ku cad qaabka loo qaybiyay juquraafi ahaan: Dawladaha Afrika 13 kursi, Dawladaha Asia 13 kursi, Latin America iyo Caribbean States 8 kursi, Galbeedka Yurub iyo kuwa kale 7 kursi, iyo Bariga Yurub 6 kursi. Muddada xubinimada Dawladaha Goluhu waa saddex sano oo xidhiidh ah, midna dib looma soo dooran karo isla markaaba ka dib markay laba jeer oo isku xigta ku soo biiraan Golaha.
(waa dhamaatay)



