
Jakarta (UNA/SPA) – Guddoomiyaha Golaha Shuurada Sheikh Dr. Abdullah bin Mohammed bin Ibrahim Al-Sheikh ayaa hogaaminaya wafdiga Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee ka qeyb galaya kalfadhiga 19-aad ee Midowga Baarlamaannada Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), oo lagu qabtay magaalada Jakarta ee dalka Jamhuuriyadda Indonesia.
War saxaafadeed uu soo saaray guddoomiyaha golaha shuurada ayaa waxaa uu ku sheegay in Boqortooyada oo ay hogaaminayaan mas’uulka labada masjid ee barakeysan, Boqor Salmaan Bin C/casiis Aala Sucuud iyo Amiir Maxamed Bin Salmaan Bin C/casiis Aala Sucuud oo ah Dhaxal sugaha iyo Ra’iisul Wasaaraha. Waxa ay sii waddaa taageeradeeda aan kala go’a lahayn ee aan kala joogsiga lahayn ee ay u fidiso wax kasta oo xoojinaya midnimada dunida Islaamka, iyadoo ka duulaysa doorkeeda hormuudnimo iyo mawqifkeeda laf-dhabarta ah, iyo sida ay had iyo jeer ugu heelan tahay xoojinta qiyamka iskaashiga iyo wadajirka. Si wax looga qabto u adeegidda arrimaha caalamka Islaamka iyo guud ahaan caalamka, korna loogu qaado xasilloonida iyo horumarka.
Al-Sheekh ayaa ku nuux-nuuxsaday doorka muhiimka ah ee ay golayaasha iyo baarlamaanku ka ciyaaraan xoojinta iskaashiga iyo is-dhexgalka dalalka caalamka Islaamka. Waxa uu xusay isaga oo arrimahan ka hadlaya muhiimadda ay dublamaasiyadda baarlamaanku u leedahay dhismaha buundooyinka xidhiidhka iyo horumarinta xidhiidhka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee ka dhexeeya shucuubta. Waxa uu sidoo kale bogaadiyay doorka muhiimka ah ee ay ka ciyaarayaan Midowga Baarlamaanada Wadamada Islaamka (OIC) iyo dadaalka wax ku oolka ah ee ay ku taageerayaan arrimaha guud.
(waa dhamaatay)