Riyadh (UNA/SPA) – Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Sacuudiga, Amiir Faysal Bin Farxaan Bin Cabdalla ayaa maanta oo Isniin ah Xarunta Wasaaradda ee magaalladda Riyadh ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Socdaalka Masar, Dr. Badr Abdel Caati.
Intii ay socotay soo dhaweynta labada dhinac waxay dib u eegis ku sameeyeen xiriirka walaaltinimo ee adag iyo iskaashiga wadajirka ah ee labada dal, waxayna ka wadahadleen arrimaha danta guud.
Intaa ka dib, Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa shir-gudoomiyay shirka guddiga daba-galka iyo wadatashiga ee heer wasiir ee labada dal. Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay sidii loo dar dar gelin lahaa iskaashiga labada dhinac ee dhinacyada kala duwan leh iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka wadajirka ah ee ku aaddan arrimaha quseeya labada dal ee walaalaha ah iyo ka shaqeynta danahooda guud. Waxa ay sidoo kale ka wadahadleen horumarka gobolka iyo kuwa caalamiga ah iyo dadaallada lagu bixinayo arrintan oo ay ugu weyn tahay xaaladda Marinka Gaza.
(waa dhamaatay)