Saynisyahanka

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Pakistan oo khadka telefoonka kala hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan xiriirka labada dal

Islamabad (UNA/SPA) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Pakistan Isxaaq Dar ayaa wada hadal dhanka taleefoonka ah kula yeeshay wasiirka arrimaha dibadda ee Saldanada Cumaan, Badar bin Hamad Al Busaidi, kulankaas oo ay kaga wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa, loona horumarin lahaa, iyadoo ay dheertahay in dib u eegis lagu sameeyo arrimaha la xiriira amniga gobolka.

Wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay maanta ku sheegtay in labada dhinac ay isku afgarteen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Pakistan iyo Saldanada Cumaan.

(waa dhamaatay)

Wararka la xiriira

Tag badhanka sare