
Qaahira (UNA/SPA) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Mohammed bin Ahmed Al-Yamahi, ayaa si kulul u cambaareeyay isku daygii dil ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud. Ka dib markii ay qaraxday kolonyadii uu la socday; Kaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Bayaan uu soo saaray maanta ayuu Al-Yamaxi ku caddeeyay in Baarlamaanka Carabta ay si buuxda ula garab taagan yihiin Soomaaliya xilligan xasaasiga ah, isla markaana ay si buuxda u diiddan yihiin dhammaan noocyada argagixisanimada ee looga gol leeyahay in lagu qalqal geliyo amniga iyo xasilloonida gobolka Carabta.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, shacabkeeda, iyo qoysaskii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay qaraxaasi, isagoo Alle uga baryay intii ku dhaawacantay inuu caafimaad degdeg ah siiyo.
(waa dhamaatay)