
Paris (UNA/QNA) – Boqorka Urdun Cabdallaha II iyo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ugu baaqay Israa’iil inay si degdeg ah u joojiso gardarrada ay ku hayso Marinka Qaza oo ay dib ugu soo laabato dhaqangelinta heshiiska xabbad-joojinta heerarkeeda oo dhan.
Boqorka Urdun oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska ayaa waxa uu yidhi “Dib u soo celinta Israa’iil ee weraradi ay ku hayso Qaza waa tallaabo aad khatar u ah oo dhibaato kale ku sii kordhinaysa xaaladdii hore ee bini’aadantinimo ee Marinka.
Wuxuu ugu baaqay beesha caalamka inay xoojiyaan dadaallada wadajirka ah ee lagu soo celinayo xabbad joojinta iyo hirgelinta dhammaan wejiyadooda, isagoo ka digay barakicinta Falastiiniyiinta ee Gaza iyo Daanta Galbeed ay halis gelinayso xasilloonida gobolka.
Boqor Cabdallaha Labaad ayaa carabka ku adkeeyay in uu diiday isku dayo kasta oo lagu doonayo in lagu barakiciyo falastiiniyiinta, isagoo caddeeyay in xalka labada dal uu yahay midka kaliya ee lagu xaqiijin karo nabadda Falastiin iyo Israa’iil.
Madaxweynaha Faransiiska ayaa dhankiisa ku tilmaamay dib u soo celinta duqeymaha Israa’iil ee Marinka Qaza inay tahay dib u dhac weyn, isagoo intaa ku daray “Waa in si degdeg ah loo joojiyo howlgallada cadowtinimada ah, waana in si niyad sami ah loo bilaabo wada-xaajoodka hoos yimaada Mareykanka.
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxa aanu ku baaqaynaa in si joogto ah loo joojiyo dagaalka, lana sii daayo dhamaan la haystayaasha ku sugan Marinka Qaza” isaga oo ku nuuxnuuxsaday in aanay jiri doonin xal milatari oo Israa’iil laga gaadho marinka Gaza.
Macron waxa uu intaa ku daray, “Waa in xal siyaasadeed la helaa, dalalka Carabtana ay dejiyeen qorshe sax ah oo dib loogu dhisayo Marinka Gaza”, isaga oo ku nuux-nuux saday in dhismaha dawlad Falastiini ahi ay lagama maarmaan u tahay in la gaadho xasilloonida gobolka.
(waa dhamaatay)