Jeddah (UNA/SPA) – Dhaxal-sugaha Boqortooyada iyo Ra’iisul Wasaaraha, Amiir Maxamed Bin Salmaan Bin C/casiis Al-Sacuud, ayaa shalay oo Talaado ahayd ku qaabilay Jeddah, Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Mr. Adel bin Abdul Rahman Al-Asoumi.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta ayaa billadda Taliyaha guddoonsiiyay Dhaxal-sugaha Boqortooyada si uu uga mahadceliyo ugana mahad-naqo dadka Carabta ah jagooyinka hormuudka ah ee Boqortooyadu ka qaateen difaaca arrimaha Carabta iyo kor u qaadista waxqabadka Carabta ee wadajirka ah.
Soo dhaweynta waxaa ka qeyb galay guddoomiye ku xigeenka golaha shuurada, Dr. Mishal bin Fahm Al-Sulami.
(waa dhamaatay)