Abu Dhabi (UNA) – Wasaaradda Gaashaandhigga Imaaraadka Carabta ayaa beenisay eedeymo ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta caalamiga ah oo ku saabsan imaanshaha koox ka tirsan diyaaradaha militariga Mareykanka ee ku sugan saldhigga Al Dhafra ee Imaaraadka si ay taageero u siiyaan Israa’iil.
Wasaaradda gaashaandhigga ayaa xaqiijisay in eedeymahaas ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, joogitaanka diyaaradahan Mareykanka ee saldhigga Al Dhafra ayaa ku socday sida ku cad jadwal horay loo sii qorsheeyay oo dhowr bilood ah iyadoo la raacayo qaabka iskaashiga milatari ee Imaaraadka iyo Mareykanka. Ameerika oo aan haba yaraatee xidhiidh la lahayn horumarka ka socda gobolka hadda.
(waa dhamaatay)