
Baku (UNA/Anatolia) – Maamulka Asarbayjaan ayaa ku dhawaaqay maanta oo Axad ah in isku xirka xadhkaha korontada ee magaalada Khankendi, oo ay degan yihiin dadka Armenia ee gobolka Karabakh, lagu xidhay khadka quudinta guud ee Asarbayjan.
War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Asarbayjaan ayaa lagu sheegay in khadka Korontada ee Khankendi uu ka go’ay korantada Armenian, isla markaana uu ku xiran yahay shabaqyada quudinta Asarbayjaan.
Bayaanka ayaa lagu sharaxay in khadadka korontada ee Khankendi ay ku quudiyaan Transformers magaalada Shusha ee isla gobolka, isagoo raaciyay: "Iftiinka Asarbayjaan wuxuu iftiimin doonaa Khankendi hadda ka dib."
Korontada la siinayo Khankendi ayaa timid maalmo kadib markii ay bilowdeen wadahadallo u dhexeeya saraakiisha dowladda Asarbayjaan iyo wakiillada Armenian ee ku nool gobolka Karabakh si ay uga wada hadlaan dariiqa ugu dambeeya ee isdhexgalka bulshada Asarbayjaan.
Wadaxaajoodyadan ayaa yimid ka dib markii ciidamada Asarbayjaan ay bilaabeen hawlgal ka dhan ah argagixisada Sebtembar 19, 2023 "iyadoo ujeedadu tahay in la sameeyo nidaam dastuuri ah gobolka Karabakh."
Maalin ka dib, Wasaaradda Difaaca Asarbayjaan ayaa ku dhawaaqday in la isku afgartay in la joojiyo howlgalka, iyadoo lagu beddelayo kooxaha hubaysan ee Armeeniya ee sharci-darrada ah iyo ciidamada Armeeniya ee jooga Karabakh inay hub ka dhigis iyo faarujiyaan goobihii ay ku sugnaayeen.
(waa dhamaatay)