Saynisyahanka

Midowga Afrika ayaa hakiyay xubinimadii Mali waxayna ku hanjabeen inay cunaqabatayn kusoo rogi doonaan

Addis Ababa (UNA)-Midowga Afrika ayaa maanta ku dhawaaqay in ay Mali ka joojiyeen xubinimadii ururka Midowga Afrika, taas oo jawaab u ah afgambigii militariga ee todobaadkii hore dhacay. War qoraal ah oo uu soo saaray Ururka Midowga Afrika ayaa ku hanjabay in ay cunaqabatayn ku soo rogi doonaan dalka Mali, haddii aysan dib ugu soo laaban dowladda uu hogaamiyo rayidka. (waan dhameeyay)

Wararka la xiriira

Tag badhanka sare