Dhaqaalaha

Erdogan: Turkigu waxa uu noqday waddo xariir ah qaybta tamarta

Ankara (INA) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa yiri: Khubarada tamarta ayaa Turkiga oo ah goob ay ku kulmaan ilbaxnimooyinka ugu yeeraan Waddada xariirta ee dhanka tamarta. Tani waxay ku timid khudbad uu Isniintii, ka jeediyay shirka 22-aad ee shirka shidaalka adduunka ee lagu qabtay Istanbul. Erdogan ayaa intaa ku daray in dalkiisu uu diyaar u yahay in uu daraasad ku sameeyo mashaariic cusub oo ku saabsan gaaska, gaar ahaan mashaariicda bariga Mediterranean-ka iyo Ciraaq. Dhanka kale, Madaxweynaha Turkiga ayaa carabka ku adkeeyay in dalkiisa uu doonayo, isagoo adeegsanaya awoodiisa, inuu tamarta ka dhigo il nabadeed iyo barwaaqo, ee uusan ahayn burbur, xiisad iyo colaad. Wuxuuna Erdogan ku daray: Waxaan ku jirnaa kaalinta koowaad ee kororka baahida tamarta ee dalalka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta, iyo tan labaad ka dib Shiinaha ee adduunka. Mar uu ka hadlayay xiisadda Suuriya, Erdogan waxa uu yiri: Xaaladda gudaha waa in marka hore la dejiyo si loo qabto wada xaajoodyo xal siyaasadeed loogu raadinayo Suuriya. ((Dhammaadka)) h p

Wararka la xiriira

Tag badhanka sare