Dhaqaalaha

Sanduuqa Lacagta Adduunka ee IMF wuxuu ammaanay dib-u-habaynta dhaqaale ee Ciraaq

Washington (INA)- Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa bogaadisay, Arbacadii (October 12, 2016), horumarka ay Ciraaq ka samaysay hirgelinta dib-u-habaynta dhaqaalaha. Sanduuqa ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri: Ciraaq waxa ay horumar wanaagsan ka sameysay dadaalkeeda ku aaddan hirgelinta dib u habeynta dhaqaalaha. Bayaanka ayaa lagu xaqiijiyay in Sanduuqa uu tixgelin doono dib u eegistii ugu horeysay ee qabanqaabada heeganka ah ee Ciraaq, kaas oo socon doona 36 bilood oo qiimaheedu dhan yahay 5.34 bilyan oo doolarka Maraykanka ah, oo ay u badan tahay inuu dhaco November ama December ee soo socota. Sanduuqa waxa uu ansixiyay qabanqaabadan markii ugu horeysay bishii Luulyo ee la soo dhaafay. (Dhammaadka) Z A / KUNA / H P

Wararka la xiriira

Tag badhanka sare