Muslimiinta laga tirada badan yahay

Pakistan waxay ugu baaqday Hindiya inay xalliso arrinta Kashmir si waafaqsan go'aannada Golaha Ammaanka

Islamabad (INA) – La-taliyaha Ra’iisul Wasaaraha Pakistan ee Arrimaha Dibadda, Sartaj Aziz, ayaa ugu baaqay Hindiya inay tixraacdo go’aannada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay si xal nabadeed loogu helo arrinta Kashmir, halkii ay awood milateri u adeegsan lahayd dadka Kashmir. Waxa uu si cad ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Isniintii (July 11, 2016) in Pakistan ay diyaar u tahay inay wadahadal dhab ah oo macno leh la bilowdo Hindiya si loo xalliyo dhammaan arrimaha taagan, oo ay ugu horreyso arrinta Kashmir si loo xaqiijiyo amniga joogtada ah ee gobolka. Wuxuu cambaareeyay rasaasta ay ciidamada Hindiya ku fureen dibadbaxyada nabadeed ee Kashmiiriyiinta ee qeybta ay Hindiya maamusho ee Kashmir. Iyaga oo tilmaamaya in Hindiya aysan, iyada oo adeegsanaysa awood millatari, ay ku caburin karto xaqa sharciga ah ee dadka Kashmiri ay u leeyihiin in ay muujiyaan fikirkooda. Geesta kale, Wasiirka Warfaafinta Pakistan, Seneter Pervez Rashid ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay soo faragaliyaan sidii loo joojin lahaa gardarrada ay ciidamada Hindiya ku hayaan dadka Kashmiir ee ku nool qaybta ay Hindiya maamusho ee Kashmir. Warsaxaafadeed uu maanta soo saaray ayuu ku sheegay in beesha caalamku aysan ka aamusi karin howlgallada toogashada ah ee ay ciidamada Hindiya ku hayaan dadka rayidka ah ee ku sugan gobolka Kashmiir, taasoo sababtay dhimashada iyo dhaawaca tobonaan reer Kashmiir ah laba maalmood gudahood. (Dhammaadka) za / SPA / h p

Wararka la xiriira

Tag badhanka sare