
Qaza (UNA/WAFA) – Ciidamada guumaysiga Israa’iil ayaa subaxnimadii Arbacada qaaday hawlgal burburin ah oo ay ka fuliyeen bariga magaalada Khan Younis ee koonfurta Marinka Qaza, iyaga oo beegsaday goobo ku dheggan xayndaabka kala soocida..
Ilo deegaanka ah ayaa ku waramaya in howlgaladaasi kadib ay halkaasi ka dhaceen qaraxyo xoogan, iyadoo hawada koofurta ay duqeymo xoogan ka wadeen diyaarado dagaal iyo kuwa sahanka..
Xaaladdan oo kale, diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa saddex weerar ku qaaday saaka aagagga waqooyi-bari ee Beit Lahia, oo ku yaalla xariiqda jaalaha ee waqooyiga Marinka Gaza, iyo agagaarka goobta waxbarashada ee waqooyiga Gaza, iyadoo duullimaadyo xooggan ay ka socdeen aaggaas..
Isla mar ahaantaana, maraakiibta dagaalka ee Israa’iil waxay rasaas xooggan ka fureen xeebaha koonfureed ee marinka Qaza, taas oo haddana jabinaysa heshiiskii xabbad joojinta..
(waa dhamaatay)


