
New York (UNA/WAFA) – Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka iyo arrimaha qaxootiga ee UNRWA ayaa ku dhawaaqday maanta oo Axad ah in sahaydii daqiiqda ee marinka Qaza uu ka dhammaaday.
"Barnaamijka Cunnada Adduunka ayaa ku dhawaaqay 25-kii Abriil in kaydkii cunnada ee Gaza uu gabi ahaanba dhammaaday. Sahayda daqiiqda ee UNRWA ayaa sidoo kale dhammaatay horaantii toddobaadkan," ayay hay'addu ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay akoonkeeda X.
UNRWA waxa ay sheegtay in ay hayso "ku dhawaad 3000 oo baabuur oo ay ku raran yihiin gargaar naf-badbaadin ah oo diyaar u ah in ay galaan Qaza," laakiin Israa'iil ayaa ka hortagaysa in baabuurta gargaarka ay galaan.
Marinka Gaza, oo ay ku nool yihiin ku dhawaad 2.4 milyan, ayaa ku dhawaad gebi ahaanba ku tiirsan gargaarka bini'aadantinimo, kaasoo gebi ahaanba istaagay tan iyo 2-dii bishii Maarso, markaasoo Israa'iil ay xirtay isgoysyada Kerem Shalom, Zikim, iyo Beit Hanoun.
Ururka ayaa carabka ku adkeeyay in la qaado "go'doominta" ay Israa'iil ku hayso marinka Qaza muddo sanado ah.
(waa dhamaatay)