
Jenin (UNA/WAFA) – Ciidamada guumaysiga Israa’iil ayaa shalay oo Axad ahayd la beegsaday saxafiyiin ku sugnaa afaafka hore ee xerada qaxootiga ee Jenin bambooyinka dadka ka ilmaysiisa.
Wariyaha WAFA ayaa soo sheegay in ciidamada gumaysigu ay sunta dadka ka ilmeysiisa ku garaaceen wariye Raya Carouq oo ah wariye u shaqeeya Channelka Al-Alam News Channel iyo sawir qaade Mohammed Abdel Khaleq, xili ay ku sugnaayeen afaafka hore ee mid ka mid ah wadooyinka laga soo galo xerada Jenin si ay u soo tabiyaan weerarka gardarada ah ee ciidamada gumeysiga ku qaadeen xerada.
Waxay intaas ku dartay in ciidamada qabsaday ay ka hortagayaan shaqaalaha saxafada inay xerada galaan ama u dhawaadaan duleedkeeda si ay u daboolaan una gudbiyaan muuqaalada burburinta guryaha, dhismayaasha iyo hantida rayidka.
(waa dhamaatay)