Falastiin

16 maalmood oo gardaro qabsi ah oo lagu hayo Tulkarm iyo xerooyinkeeda: burburinta kaabayaasha, xiritaanka iyo barakicin baahsan

Tulkarm (UNA/WAFA) – Ciidamada guumaysiga Israa’iil ayaa sii wada duullaanka gardarrada ah ee ay ku hayaan magaalada Tulkarm iyo labada xero ee Tulkarm iyo Nour Shams, maalintii 16-aad oo xidhiidh ah, iyada oo ay jirto kororka millatari ee ay weheliso burbur baahsan oo loo geystay kaabayaasha iyo hantida, xadhiga, iyo barakicinta qasabka ah ee kumanaan qof oo deggan labada xero..

Ciidamada gumeysiga ayaa go’doomin adag ku haya xerooyinka Tulkarm iyo Nuur Shams, waxayna kordhiyeen gadiidkooda iyo roondada cagtooda ee agagaarkooda iyo xaafadaha ay ku sugan yihiin, iyadoo guryaha lagu galayo, kuwaasi oo aad u badan ay noqdeen kuwo faaruq ah kadib markii dadkii deganaa ay si xoog ah uga barakaceen, isla markaana ay dhexda u galeen rasaas xooggan oo aan toos ahayn, gaar ahaan xilliyada habeenkii..

Dadka ku dhaqan xerada Tulkarm oo ku haray guryihii ay ka deganaayeen duleedka xeradaasi ayaa ku tilmaamay xaalad cabsi ah, maadaama ay sii xoogeysatay saddexdii maalmood ee la soo dhaafay, gaar ahaan xilliyada habeenkii, iyadoo ciidamadii ku sugnaa xeradaasi ay ku jireen feejignaan, iyagoo gudaha u galayay rasaas nool iyo bambaanooyin, iyadoo ay la socdaan dhawaqa qaraxyada oo aad moodo inay tahay goob dagaal..

Ciidamada gumeysiga ayaa wali sii wada in ay la wareegaan guryo iyo dhismayaal dhaadheer oo gudaha iyo hareeraha xerada ku yaala, gaar ahaan wadada Nablus oo ku dhagan halka laga soo galo dhanka waqooyi, iyo wadada Al-muqataa oo xiriirisa dhanka bari ee magaalada, waxaana ay ka dhigayaan xeryo ciidan iyo goobo shiishka laga soo galo..

Sidoo kale, ciidamada gumeysiga ayaa xalay gurmadyo dheeri ah u diray xerada Nuur Shams, halkaasoo la geeyay xaafadaha Jabal Al-Saalixiin iyo Jabal Al-Nasr, iyagoo u dhacayay guryaha, kaddib markii ay albaabada u laabeen, iyagoo baarayay, isla markaana burburiyay wixii ku jiray..

Ciidamada gumaysiga ayaa xabsiga u taxaabay tiro dhalinyaro ah kadib markii ay u dhaceen guryihii ay ka deganaayeen xeradaasi oo ay ka mid ahaayeen: Qaais iyo Maxamuud Khaliil Salta, Ayoub Abu Seeria, Dhiba Abu Qassido, Muhammad Abu Sulait, iyo Axmed Cabeed..

Youssef Abu Iskandar ayaa sidoo kale laga soo qabtay gurigiisa oo ku yaala xaafada Dhenaba, iyo Abdul Razzaq Awfi ka dib markii ay weerareen gurigiisa oo ku yaala xaafada Iktaba ee bariga magaalada..

Ciidamada Gumaysiga ayaa subaxnimadii Axadii ee ina dhaaftay xoog ku galay Xerada Nour Shams, iyagoo adeegsanaya gaadiid dagaal iyo cagaf-cagafyo culculus, taasi oo keentay in la burburiyo kaabayaasha dhaqaalaha, sida Korontada, Biyaha iyo Isgaadhsiinta, iyadoo ay taasi u dheer tahay burburka hantiyeed ee xeradaasi, iyadoo ay rasaastaasi ku dhinteen saddex qof oo dumar ah oo ay ku jiraan 8 bilood..

Xerada Nour Shams ayaa waxaa ka taagan xaalad bini’aadantinimo oo kasii dareysa, kadib markii ciidamada gumeysiga ay ku qasbeen dadkii ku noolaa oo isugu jiray haween, caruur, dad waayeel ah iyo dad xanuunsan in si qasab ah looga barakiciyo. Tobaneeyo qoys ayaa la arkayay iyaga oo ka baxaya xerada ka dib markii lagu qasbay in ay guryahooda uga soo baxaan qori caaradiisa, iyadoo ay socotay rasaas aan kala sooc lahayn iyo qaraxyo mararka qaar dhacayay..

Dhaqdhaqaaqa barakaca ayaa ku soo xoomay xaafadaha Al-Maslax, Al-Maanshiya, Jabal Al-Saalixiin, Jabal Al-Nasr, kuwaas oo ku dhawaaday in ay faaruqiyaan dadkii ku noolaa, iyadoo ciidamadii qabsaday ay koox kasta oo qoysas barakacayaal ah u jiheeyeen degaano gaar ah, kuwaas oo loo qaybiyay inta u dhaxaysa magaalada, duleedka Dhanaba, iyo magaalada Canabta..

Shacabka ku dhaqan xeradaas, gaar ahaan dadka da’da ah iyo qaar ka mid ah qoysaska ku dhaqan xaafadda la beegsaday ayaa weli baaq u diraya masuuliyiinta ay arrintani khuseyso, si loo badbaadiyo noloshooda, ka dib markii qeyb ahaan la burburiyay guryihii ay ku noolaayeen oo ay ku jireen gudaha xerada, sida ku dhacday qoyska Al-Qaasir ee Jabal Al-Saalixiin..

(waa dhamaatay)

Wararka la xiriira

Tag badhanka sare