
New York (UNA/WAFA) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa carabka ku adkeeyay in shacabka falastiiniyiinta ay adeegsadaan xuquuqdooda lama taabtaanka ah ay ku saleysan tahay xaqa ay u leeyihiin in ay ku noolaadaan dhulkooda, xalka labada dowladoodna uu yahay habka kaliya ee lagu gaari karo nabad waarta.
Intii lagu guda jiray khudbadiisa shirka sanadlaha ah ee Guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan Dhaqangelinta Xuquuqda lama taabtaanka ah ee dadka reer Falastiin, oo lagu qabtay xarunta Qaramada Midoobay ee New York, Guterres wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay u hoggaansanaanta sharciga caalamiga ah, ka fogaanshaha wax kasta oo sii murjin kara xiisadda, iyo joojinta tallaabo kasta oo xaaladda uga sii dari karta, oo ay ku jiraan barakaca qasabka ah ee ka dhigan nadiifinta qowmiyadaha.
Waxa uu tilmaamay in dadaallada ay wadaan habeen iyo maalin si gargaar bini’aadantinimo loo gaarsiiyo Falastiiniyiinta tabaaleysan, isagoo ugu baaqay beesha caalamka iyo deeq bixiyayaasha in ay dhaqaale buuxda ku bixiyaan howlaha bini’aadantinimo, isla markaana ay taageeraan Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Gargaarka iyo Shaqada ee Qaxootiga Falastiin (UNRWA), oo bixisa adeegyada aasaasiga ah ee gargaarka qaxootiga Falastiin.