
New York (UNA/WAM)- Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee OCHA ayaa shaaca ka qaaday in 653 baabuur oo gargaar ah ay galeen marinka Qaza 24-kii saac ee lasoo dhaafay.
Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay ayaa war uu maanta soo saaray ku sheegay in shixnado gargaar iyo shaqaale samafal ah ay soo gaarayaan goobihii markii hore ay adkeyd in la gaaro.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNRWA ayaa ku tilmaantay inta badan guryihii Falastiiniyiinta ee ay bilaabeen inay dib ugu noqdaan kuwo burburay ama aan la degi karin, taasoo ka dhalatay dagaalka Israel ee dabar goynta ah oo socday in ka badan 15 bilood.
UNRWA waxay sheegtay, in boostada ay ku leedahay akoonkeeda “X”, in kooxaheedu, in kasta oo ay jiraan caqabado waaweyn iyo xaalado murugo leh, ay ka shaqeynayaan saacad kasta si ay u taageeraan kuwa ku soo laabanaya waqooyiga Marinka Gaza.
(waa dhamaatay)