
New York (UNA/WAFA) – Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xaaladda xuquuqda aadanaha ee dhulka Falastiin, Francesca Albanese, ayaa ka digtay suurtagalnimada in Israa’iil ay xasuuq ka geysato daanta galbeed ee la mid ah tii ay ka geysatay marinka Qaza..
Arrintan ayaa ku soo beegantay qoraal ay soo dhigtay madal X, maanta oo Arbaco ah, taasoo ay kaga hadashay duullaanka gardarada ah ee ay ciidammada Israa’iil ku qaadeen magaalada Jenin iyo xeradeeda.
Albanese oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: "Dambiyada xasuuqa ah ee ay Israa'iil ka geysato falastiiniyiinta kuma ekaan doono Gaza oo keliya, haddii aan lagu qasbin inay joojiyaan."".
Tirada shuhadada ee ka dhalatay duulaanka gardarada ah ee lagu qaaday Jenin iyo xeradii ay ku jirtay ayaa lagu sheegay 10 ruux oo uu ku jiro ilmo yar, dhaawacana wuxuu kor u dhaafayaa 40 ruux.
(waa dhamaatay)