Falastiin

"UNICEF": 35 carruur ah ayaa lagu dilay maalin kasta Gaza

Geneva (UNI/WAFA) – Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan daryeelka carruurta ee UNICEF ayaa sheegtay in 35 carruur ah oo Falastiiniyiin ah lagu dilay maalin kasta marinka Qaza, taas oo ay sabab u tahay duullaanka gardarrada ah ee Israa’iil.

Afhayeenka UNICEF, James Elder ayaa sheegay shalay oo Jimce ahayd, intii lagu guda jiray shirka jaraa’id ee toddobaadlaha ah ee lagu qabtay xafiiska Qaramada Midoobay ee magaalada Geneva, Switzerland, in marka loo eego xogta caafimaadka, 15 oo carruur ah la dilay tan iyo 7-dii Oktoobar, 2023..

Wuxuu sharaxay: "Tani waxay la macno tahay in la dilo 35 carruur ah maalintii muddo 14 bilood ah."".

(waa dhamaatay)

Wararka la xiriira

Tag badhanka sare