
Qaza (WAFA/UNA) – Tirada dhimashada gardarrada Israa’iil ee Marinka Gaza ayaa gaartay 46,899 shahiid ah iyo 110,725 dhaawac ah tan iyo Oktoobar 7, 2023.
Ilaha caafimaadka ayaa sheegay in guumaysiga Israa'iil uu 3 xasuuq u gaystay qoysas ku nool Marinka Gaza, taasoo keentay dhimashada 23 muwaadin iyo dhaawaca 83 24 saac ee la soo dhaafay..
Waxa ay tilmaantay in dad badan oo shahiid ah ay wali ku jiraan burburka iyo wadooyinka, oo aysan gaari karin gaadiidka gurmadka deg dega ah iyo kuwa difaaca shacabka..
(waa dhamaatay)