Falastiin

Madaxweynaha Turkiga: Waanu diidnay waxashnimada iyo xasuuqa ka socda Marinka Gaza

Bishkek (UNA/Anatolia) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa carabka ku adkeeyay in dalkiisu uu diidan yahay arxan-darrada iyo xasuuqa ay Israa’iil ka waddo marinka Qaza.

Tani waxay ku soo beegantay khudbad uu ka jeediyay intii uu ka qayb galayay, Arbacadii, shir-madaxeedka Ururka Dawladaha Turkiga ee lagu qabtay caasimadda Kyrgyz ee Bishkek.

Dhanka kale, Erdogan ayaa yiri: “Turkiga waxa ay diiday arxan darada iyo xasuuqa ka socda Marinka Gaza, waxaana aaminsanahay in caalamka Turkiga uu mowqif adag ka istaago.

Waxa uu intaa ku daray, "Beesha caalamku waxa ay maraysaa imtixaan xun oo la xidhiidha joojinta hawlgallada xasuuqa ah ee ka socda dhulka la haysto ee Falastiin, gaar ahaan Gaza."

(waa dhamaatay)

Wararka la xiriira

Tag badhanka sare