Kuwait (UNA/KUNA) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kuwait ayaa muujisay sida ay Dowladda Kuwait u cambaareyneyso, ugana cambaareyneyso mar kale Ciidamada Israa’iil oo weerar cirka ah ku qaaday Iskuul ay wax ku baranayeen barokacayaal Falastiiniyiin ah, kaasoo galaaftay nolosha tiro dad ah oo aan waxba galabsan. oo ay ku jiraan shaqaalaha Hay'adda Gargaarka iyo Shaqada ee Qaramada Midoobay ee Qaxootiga Falastiin (UNRWA).
War-saxaafadeed ay soo saartay Khamiistii, ayay Wasaaraddu ku cambaaraysay fal-dembiyeedkan foosha xun, iyadoo ku nuuxnuuxsatay mas’uuliyadda ka saaran beesha caalamka iyo Golaha Ammaanka inay joojiyaan dembiyada iyo xadgudubyada isdaba jooga ah ee ay geysanayaan gumeysiga.
Waxay carrabka ku adkeysay in loo baahan yahay in lala xisaabtamo dambiilayaasha dambiyadaas geystay, lana difaaco shacabka walaalaha ah ee Falastiin, gaar ahaan kuwa ku barakacay marinka Qaza.
(waa dhamaatay)