Falastiin

Shuhadada iyo ku dhaawacantay weeraradii Israel ee lagu beegsaday iskuul iyo guryo ku yaal Jabalia, Gaza, Khan Yunis, iyo Nuseirat.

Gaza (UNI/WAFA) – Ugu yaraan 9 qof oo muwaadiniin ah ayaa ku shahiiday, qaar kalena waa ay ku dhaawacmeen, xalay oo Sabti ahayd, ka dib weerarro iyo duqeymo ay Israa’iil la beegsatay dugsi ay deggan yihiin dad barakacayaal ah oo ku yaalla Jabalia al-Nazla, ee waqooyiga Marinka Qaza, iyo guryo dhowr ah oo ku yaal xerada Nuseirat, aagagga galbeedka magaalada Gaza, iyo Khan Yunis.

Inta la xaqiijiyay 8-qof oo shacab ah ayaa ku shahiiday 15 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar lala beegsaday teendhooyin ay ku jireen dad barakacayaal ah oo ku sugnaa gudaha Iskuulka Xaliima Al-Saadiya ee Jabalia Al-Nazla ee Waqooyiga Marinka Gaza.

Shan shahiid ayaa sidoo kale gaaray Isbitaalka Shuhadada ee Al-Aqsa, kadib duqeynta Israel ay la beegsatay guri ku yaalla galbeedka xerada Al-Nuseirat..

Xaafadda Al-zaytuun ayaa waxaa ka dhacay qaraxyo waa weyn oo ka dhashay howlgalo qaraxyo ah oo ciidamada gumeysiga ay ka fuliyeen deegaan dhaca Koonfur Bari ee xaafaddaasi.

Sidoo kale ciidamada gumeysiga ayaa beegsaday guri ku yaala deegaanka Qaa al-Qurain oo dhanka koonfureed kaga beegan Khan Yuunis, waxaana halkaasi ka dhashay dhimasho iyo dhaawac..

Sidoo kale, duqeynta Israa’iil ayaa lala beegsaday dhismo ay deggan yihiin oo ku yaalla deegaanka Al-Nasr, ee galbeedka magaalada Gaza, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac tiro dad ah oo ay ku jiraan carruur.

Tirada dadka ku dhintay Marinka Qaza ayaa gaartay 37 muwaadin tan iyo waaberigii maanta oo Jimce ah, taasoo ka dhalatay duqeynta joogtada ah ee Israel.

(waa dhamaatay)

Wararka la xiriira

Tag badhanka sare