Falastiin

Ugu yaraan 8 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqaymo ka dhacay magaalada Gaza

Qaza (UNA/WAFA) – 8 muwaadiniin Falastiini ah ayaa ku shahiiday fiidnimadii Talaadada, ka dib markii diyaaradaha guumaysiga Israa’iil ay duqeeyeen goobo kala duwan oo ka tirsan magaalada Gaza.

Ilo dhanka caafimaadka ah ayaa sheegay in afar qof ay ku shahiideen oo ay ku jirto gabar hal sano jir ka yar, halka kuwa kalena ay ku dhaawacmeen gantaal ay Israa’iil ku garaacday guri ay degan yihiin qoyska Al-Shoubaki oo ku yaalla deegaanka Al-Sahaba ee xaafadda Al-Daraj. Bartamaha magaalada Gaza ayaa la geeyey isbitaalka Al-Baptist ee magaalada.

Sidoo kale, 4 qof oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan laba dumar ah iyo ilmo yar, ayaa ku shahiiday ka dib markii guumaysiga uu duqeeyey guri ku yaalla xaafadda Al-Tuffah ee bariga magaalada Gaza.

Ilaha caafimaadka ayaa ku dhawaaqay maanta oo Talaado ah, in tirada dhimashada ee Marinka Gaza ay kor u kacday 35647, iyo dhaawaca 79852, tan iyo bilowgii gardarada qabsashada toddobadii Oktoobar ee la soo dhaafay..

Wararka ayaa sheegaya in 5-kii saac ee la soo dhaafay uu Gumeysiga uu geystay 24 Xasuuq oo ka dhan ah Qoysaska ku nool Marinka Gaza, waxaana ku dhintay 85 Muwaadiniin Filastiiniyiin ah iyo dhaawaca 200 oo kale.

(waa dhamaatay)

Wararka la xiriira

Tag badhanka sare