Falastiin

Shuhado iyo ku dhaawacmey duqeymo ka dhacay meelo badan oo ka tirsan Marinka Gaza

Qaza (UNA/WAFA) – Tiro muwaadiniin Falastiiniyiin ah ayaa ku shahiiday, qaar kalena waa lagu dhaawacay fiidnimadii Isniinta, duqeymo ay Israa’iil ka geysatay deegaanno dhowr ah oo ku yaalla marinka Qaza.

Wariye falastiiniyiin ah ayaa soo sheegay in 13 muwaadin ay ku shahiideen duqeymaha Israel ay ku bartilmaameedsatay koox muwaadiniin ah oo ku sugnaa Jabalia al-Balad ee waqooyiga marinka Gaza, halka shan muwaadin ay ku shahiideen duqeyn lala beegsaday guri ay degan yihiin qoyska Khatib oo ku yaala Beit Lahia.

Sidoo kale, saddex muwaadin oo falastiiniyiin ah ayaa ku shahiiday, kuwo kalena way ku dhaawacmeen weerar ay diyaaraduhu ku qaadeen guri ay degan yihiin qoyska Zaharna oo ku yaalla xaafadda Al-Tuffah ee bariga magaalada Gaza.

Ciidamada gumeysiga ayaa madaafiic la beegsaday dabaqa shanaad ee Isbitaalka Al Awda oo ku yaala xerada Jabalia ee waqooyiga marinka Gaza, halka gabar la sheegay inay ku dhimatay gudaha qeybta xanaanada ee isbitaalka Kamaal Adwan ee magaalada Beit Lahia sababo la xiriira joojinta mishiinka Ogsajiinta.

Gumeysiga Israa’iil ayaa sii wada duullaanka gardarrada ah ee ka dhanka ah Marinka Gaza, dhul, bad iyo cirba, tan iyo toddobadii bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, taas oo sababtay dhimashada 35,562 muwaadiniin ah, kuwaas oo u badan carruur iyo haween, iyo dhaawaca 79,652 kale. Khasaare aan dhammaad lahayn, iyadoo kumannaan dhibanayaal ah ay weli ku hoos jiraan burburka..

(waa dhamaatay)

Wararka la xiriira

Tag badhanka sare